September 12, 2020 | Posted by admin

Madaxweynayaasha dowlad Gobooleedyada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” iyo Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, kadib markii safaro kala duwan ay ugu kala ambabaxeen magaalooyinka Nairobi iyo Kismaayo.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Magaalada Kismaayo uga qeyb galay Aas qaran oo loo sameeyay Guddoomiyihii rugta Ganacsiga ee Jubbaland Shaafi Raabi Kaahin oo shalay qarax Ismiidaamin ah lagu dilay.

Halka Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye aan si rasmi ah loo shaacin ujeedka booqashada uu ku tegey magaalada Nairobi.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa magaalada Muqdisho uga qaybgali doona shirka Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah ee lagaga hadlayo sidii Dalka ay uga dhici lahayd Doorasho la isku raacsan yahay oo waqtigeeda ku dhacda.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan caawa dhammaan madaxda dowlad goboleedyada dalka iyadoo aan la hubin xilliga uu si rasmi ah u furmayo shirka la doonayo in loogaga hadlo doorashooyinka dalka.

COMMENTS