June 28, 2020 | Posted by admin

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ugu mahadceliyay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Ismaaciil, soo bandhigidda noocyada farsmo ee lagu gaari karo ku guuleysiga doorasho toos ah oo Soomaaliya ka dhacda horraanta Maarso ee sanadka 2021.

War kasoo baxay xafiiska QM ee Soomaliya ayaa waxaa lagu sheegay in habka doorasho oo ay soo bandhigtay Guddoomiye Xaliimo Yareey ay tahay mid wanaagsan, iyada oo lagu booriyay hoggaamiyeyaasha siyaasada inay wadatashi ka yeeshaan Arrimaha doorashooyinka.

“Guddoomiye Xaliimo waxa ay soo bandhigtay noocyo doorasho, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay boorrinaysaa wadatashi ballaaran oo ay yeeshaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya si loo gaaro Isfahan, si hore loogu sii socdo – kulanka qorsheysan ee Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka waa tallaabo yididiilo leh oo xigta.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo yareey ayaa shalay Kulankii Golaha Shacbaka ka hor sheegtay in guddiga u baahan yahay 13 Bilood si loo qabto doorasho.

COMMENTS