June 24, 2015 | Posted by admin

Aadam c.s.w, dhashu waxay ahaayn ku bada iskuna mataansan oo hadana si aada u qurux badanaa, hasa yeeshe gabar ka mida dhashiisa oo la oran-jiray Canaaq mataan ku lamaan ma ay lahayn .. Gabadhaas qudarada alle iyo xikmadiisaba waxay ku dhalatay suurad shawahan fool xun oo lahayd laba madax, gacan kastana waxay ku lahayd toban farood oo cidiyahoodu ahaayeen sida mindiyaha kuwa caawska lagu shafo, waxaana la sheegaa iney ahayd Gabdhi ugu horeysay ee fajuur iyo fusuq ka sameysa koonka.

Aadam c.s.w markii dhukka la keenay waxaa Alle ku soo dajiyey magacyo kood oo uu ku sanduleeyo shayaadiinta isagana caabiyo sharkooda, isla markaana waxaa lagu amray inu Xaawo xirsi-xijaab ahaan ugu xiro.

Xaawo xirsigaa balo-xijaabka ah si adag ayey u xafidan- jirtay, laakiin maalin maalmaha ka mida iyadoo huruda ayaa gabadhi Canaaq inta u soo dhuumatay fagatay ay xirsigi ka xaday oo dabadeed inta fur-furatay magacyadi koodaka ku xardhanaa ay si akhas ah iyo farsamo sixiro la is tusaayo ku sameysay uguna yeeratay wixii shayaadiin ahaa, oo cariga ku sugnaa, dabadeed halkaas ka bilawday haasaawe fasahaad ay ku baadiyeysay in badan oo firki ka dhashi ilma Aadam ee cariga ku fidsanaa .. laakiin Aadam iyo Xaawo oo falalkeedi macsi wax bdan ka murugooday eyey alle u ashtakoodeen u aaseen habaar iyo haruuf illa markii dambe Alle dacwadoodi ka aqbalay oo ku saladay waxash soo dib-jiray maroodi ka laxaad weyn oo gabigeed-ba kaga dhiigsiiyey jirkeedi oo inta cad cad u jar-jaray ka harqaday hilibkeeda

Culimadi baxriga ku ahayd cilmiga akhbaar Zamaan wax badana wax ka soo xigatay kutubti samaawiga iyo gaar ahaan werinti Axbaarti yahooda ee Alle rumeysay, waxay xuseen in gabadhaas falkeedi xumaa awgi ay ku dhashay nin la oran jiray Cuuja al-Jabaar oo nolol ku soo gaaray waqtigi Nuux ee duufaantu xabqameysay .. Ninkaas weynaan intu ka qabey, waxaa la sheegay inu duufaanti biyaha intiisa badneyd jirkiisa aysan biyuhu ku harqan oo ka nabad galay, waxuuna mar damcay inu gacanta ku laaco doonti Nuux si u rogo, hasa-ahaate Alle oo adoonkiisa Nuux daalacanaayey ayaa ka indha tiray.

Cuuja Al-Jabaar waxuu soo gaaray waqtigi Faraacinti Masar oo la sheegay inu isku dayey dilka nabi Muuse. isagoo baa la yiri intu madaxa ku soo qaatay dhagax weynan badan ayuu damcsanaa inu Muuse ku habsiiyo si warkiisaba u haro, laakiin Alle fadligiisa ayaa u soo diray shimbir oo dhagixi inta kor ka soo daloolisay illa ay maskaxdiisi wax gaarsiisay noqday ruux sarkhaansan, markaas ayaa Alle Muuse u waxyoodi oo ku yiri: waa gagabsan-yahay ee dil .. Muuse oo xoog-weynaan u dhashay ayaa inta qaatay ushiisi suu ugu garaacayey meydkiisi ku bilqamay wabiga Niil dhexdiisa, waxaana la sheegaa in jirki ninkaas u muddo dheer halkaas ooli -jiray oo laga dhigtay Buundo “Bridje” looga kala gudbo wabiga labadiisa Daan, waxaa kalo la sheegaa in markii dambe oo meesha astur ahaan looga fogeynaayay si loo qaado qayb qybo loo kala jar-jaray

COMMENTS