January 7, 2021 | Posted by admin

Qaraxan oo siweyn jugtiisa looga maqlay inta badan magaalada Muqdisho ayaa ka dhacay KM4, gaar ahaan Waddada hormarta madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim ee degmada Hodan

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa miinada dhulka lagu aasay, islamarkaana lala eegtay gaari Cabdi Bile ah oo ay saarnaayeen ciidamado ka tirsan dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa asluubta oo goobta marayay.

Wali lama oga khasaaraha ka dhashay Qaraxa waxaana la sheegayaa in 2 qof mid askari yahay uu ku dhintay Qaraxa waxaa markiiba goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya khadar kooban hakad galiyay isku socodka dadka iyo gaadiidka waddada uu qaraxu ka dhacay.

Habeen hore ayeey aheyd markii sidan oo kale miino waddada dhinaceeda la dhiggay lagu bartilmaameedsaday gaari uu lahaa afhayeenka ciidamada Booliiska waxaana qaraxaasi ka dhashay geerida qof rayid ah oo goobta ka agdhawaa.

COMMENTS