September 24, 2021 | Posted by admin

Qarax is-miidaamin oo uu geystay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa goordhaw ka dhacay goob maqaaxi ah oo ku taalla agagaarka Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.


Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa la sheegau in uusan geysan wax khasaaro ah marka laga reebo dhimashada qofka isqarxiyey, sida uu shaaciyey Taliska Booliska Soomaaliya.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku yiri, “24-09-2021 Abaaro 15:03 PM waxaa Qarax ismiidaamin qof naftii halliga ah isku qarxiyey inta u dhaxaysa Isbitaal Madiina iyo Villa Baydhaba, ma jiraan wax khasaare ah ee uu geystay qaraxaas, marka laga reebo qofka naftiisa haligay.”

COMMENTS