January 31, 2021 | Posted by admin

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya soo dhaweeyay Shirka wadatashiga ee Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ku baaqay in uu maalinta berri ka bilowdo magaalada Dhuusamareeb

Qoraal ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa dadaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada ku boorisay inay shirkaas ay ku gaaraan heshiis isku tanaasul ah, isla markaana si deg deg ah loogu fuliyo heshiiskii horey looga gaaray doorashada 17-kii Sebtember.

“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay soo dhoweynayaan shirka uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed isugu yeeray Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Fedaraalka ah magaalada Dhuusamareeb, waxa ayna ku boorrinayaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliya in ay heshiis isku tanaasul gaaraan si degdeg loogu fuliyo nuucii doorasho ee 17-kii Sebtember”.ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

 Qabashada shirka Dhuusamareeb ayaa yimid saacado kadib markii ay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ay kula kulmeen wakiilo ka socda Beesha Caalamka Madaxweyne Farmaajo.

COMMENTS