November 21, 2020 | Posted by admin

C/kariin Qalbi Dhagax ayaa sheegay in mas’uuliyadda koowaad xarigiisa ay fuuleyso Madaxweyne Farmaajo oo ah Madaxweynaha ummaddaan dooratay, halka intii kale ee qeybta ka aheyd ay ahaayeen kuwo digreeto Madaxweyne lagu magacaabay.

C/kariin Qalbi Dhagax ayaa sheegay inay fiicnaan laheyd Xasan Cali Kheyre wixii uu ku leeyahay iyo qeybtii uu ku lahaa dhiibdidiisa inuu u sheego shacabka Soomaaliyeed.

“Dambi kasta oo dhacay qeybta koowaad ama mas’uuliyadda koowaad waxaa is ka leh Madaxweynaha ummaddaan dooratay, dadka intiisa kale digreeto Madaxweyne lagu soo magacaabayay oo Baarlamaanka lagu geynayay, Mas’uuliyadda koowaad waxay fuuleysa oo lagala xisaabtami oo is ka leh Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo”ayuu yiri C/kariin Qalbi Dhagax.

W/Q Abdiaziz Golfyare

COMMENTS