June 28, 2015 | Posted by admin

Xildhibaanada Baarlamanka Maamulka Galmudug ayaa doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Gobolada Dhexe oo ay ku tartamayeen saddex musharax ah.

Wareegii koowaad ee tartanka ayaa soo gudbay labo musharax oo kale ah C/laahi Gaafoow Maalin “Aasparo” iyo Cali Gacal Casir, halka uu wareegaasi ku haray Musharax Abrizaaq Xuseen.

Wareegii labaad ee Tartanka ayaa waxaa isku soo haray labada Musharax ee Aasparo iyo Cali Gacal Casir, waxaana guusha ay raacday Cali Gacal Casir (OO ka soo jeeda beesha MURUSADE) oo helay codad gaaraya 48 cod, halka C/laahi Maalin Gaafoow Maalin “Aasparo” uu helay 36.

Guddiga doorashada iyo Guddoomiyihii KMG ahaa ee Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa ku dhawaaqay natiijada codeynta oo shaaciyay in Cali Gacal Casir uu guuleystay, waxaana mar qura hoolka ay noqotay meel buuq iyo sacab uu hareeyay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmugud waxaa sidaasi ku noqday Cali Gacal Casir.

Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumadda Somalia C/raxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa” oo ka hadlay goobta ayaa u hambalyeeyay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Maamulka Galmudug, wuxuuna sheegay in wixii xilligaan ka dambeeya masuuliyada dhismaha Maamulka Galmudug uu ku wareejiyay isaga.

Beelaha ay kasoo jeedaan Gudoomiyaha iyo gudoomiye kuxigeenada Barlamanka Galmudug.

1 Gudoomiyaha Barlamanka Cali Gacal Mursade, /Hawiye

2 Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Barlamanka Xareed Cali Xareed, Qubeys, Surre/Dir

3 Gudoomiye kuxigeenka labaad Saruur Habargidir/Hawiye.

Doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa lagu wadaa inay dhacdo afarta bisha July ee xigta bishaan aan ku guda jirno.

COMMENTS