February 25, 2021 | Posted by admin

Waxaa socda qaban qaabada kulan fool ka fool ah oo dhaxmari doona Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharixiinta.

Kulanka ayaa kadhici doono hoteel ku yaala gudaha garoonka ee Decale, Waxaana gaaray Ciidamada ilaalada u ah Rooble, si ay xaqiijiyeen amaanka.

Shirka Waxaa qayb ka ah Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeele.

Qodobada ugu waa weyn ee ku gaydaaman shirka Waxaa ka mida.

1, Dhacdadii 19 February in dowladda Ay ka bixiso cudur daar.

2 In uu qabsoomo banaanbaxa jimcaha.

3 in la qeexo awoodaha Dowladda waqtigu ka idlaaday si hanaanka Doorashada looga wada shqeeyo ama Ay qayb ka noqdaan saamilayda siyaasadda.

Shirka oo isha loogu haayo Waxaa gadaal riixaya daneeyaasha Soomaaliya, Waxaana jira ergo Soomaaliyeed oo iyaga waqti badan geliyay labadii cisho ee la soo dhaafay.

Arinta banaanbaxyada, ayaana gudaha Dowladda waxaa ka jirtay kala duwanaansho qaabka loo arkayay oo siyaasiinta ku jira Dowladda qaarkood ayaan aad ula jadbaysnayn sida Xukuumadda u wajahayso ka hortaga banaanbaxyada.

COMMENTS