October 13, 2020 | Posted by admin

Qaar kamid ah isgoysada magaalada Muqdisho ayaa xalay laga qaaday dhagxaantii ay hore dowlada u dhigtey.

Isgoysyada dhagxaanta laga qaaday ayaa waxaa ka mid ah isgoysyada Sanca, Jardiinka, Folorenza, Bakaaraha iyo kuwo kale.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dhagaxaanta laga qaaday waddada wadnaha la dhigay Jidka Warshadaha, waxaana la dhigey Isgoyska Ifka xalane,xaruntii Teleefishinka oo u dhaw Isgoyska miisaanka Dhuxusha.

Dowlada ayaa dhowaan sdidoo kale waxa ay ka qaaday dhagxaantii tiil qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Wadajir.

Qaadista jidgooyooyinkan ayaa waxa ay ku soo beegmayaan xilli la gudo galay doorashada labada gole iyo tan madaxweynaha.

COMMENTS