June 23, 2015 | Posted by admin

Qaad la’aan baahsan, ayaa waxaa xalay laga dareemay gebi ahaanba Magaalada Muqdisho, markii aynaan shalay diyaaradaha qaadka ka soo cago dhigan Garoonka Duulimaadyada Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Somaliya, ayaa waxaa la soo sheegayaa in ay isku qab qabteen cidda qaadayso canshuuraha qaadka, iyadoo ay horey u qaadi jirtay Shirkadda AD, oo uu ka dhacay rusqaddii shaqada oo muddo labo sano ahayd.

Khilaafka, ayaa toddobaadka xoogeystay markii Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda, C/laahi Maxamed Nuur uu muddo saddex bilood uu rusqadda u cusbooneysiiyay Shirkadda AD, isla-markaana uu ka horyimid Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti), Wasiirka Maaliyadda Somaliya.

Suxufiyiinta, ayaa soo sheegaaya in labada dhinac ay isku hayaan canshuuraha inay sii qaado Shirkadda AD iyo in hadda ka dib lacagaha canshuuraha, ay qaado Wasaaradda Maaliyadda.

Suxufiyiinta waxay kaloo soo sheegayaan dadaalo leeskugu soo dhaweynaayo in ay ka socdaan Magaalada Muqdisho, si aynaan u sii dheeraan mudada uu hakadka ku jiro qaadka la keeno Magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu qaadka kaga yimaadaa dhinaca Magaalada Nairobi, oo diyaaradaha nooca yar yar looga soo qaado. Qaadkaasi ayaa ka baxa beeraha dalka Kenya, waxayna Muqdisho noqotay suuqa ugu weyn ee loo iib geeyo qaadka laga soo jaro beeraha Kenya, wixii ka dambeeyay tan iyo markii qaadka laga mamnuucay dalka Britain. London ayaa ahayd suuqa ugu weyn ee loo iib gayn jiray qaadka dalka Kenya.

COMMENTS