November 25, 2021 | Posted by admin

Guddoomiyihii hore Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa si qirro ku dheehantahay uga hadlay nooca doorasho ee dalka ka socoto.

Guddoomiye Jawaari oo ku suntan oday Soomaaliyeed, ah khabiir taqasusyo badan ka sameeyay Shareecada Islaamka, ka soo shaqeeyay dhowr Dastuur ay Soomaaliya yeelatay tan iyo 1960-kii, soona guddoomiyay guddiga madaxa bannaan ee dastuurka ee soo diyaariyay dastuurkii ugu dambeeyay ayaa quus ka muujiyay hannaanka ay ku socoto doorashada Golaha Shacabka.

76 jirkaan laxa-jecladu ka heyso Dalka, mar uun ku hamminayay in uu arko Soomaaliya oo cagaheeda ku istaagto, dowladnimada ku dhex noolaa muddo fog, aadkana u jecel ku dhaqanka Dastuurka Dalka iyo nidaamka dagsan ayaa niyad jab ka muujiyay halka uu Dalku ku socdo, wuxuuna si qiiro ku jirto u yiri “Allaha u naxariisto Soomaaliya”.

Prof. Jawaari waxaa hadalkiisa ka mid ahaa “Meeshaan ma taallo gogol uu nin gob ah iyo oday wax kasoo doonto, Waxaa la iga hor istaagay xaqii Muwaadinku siiyay Dastuurka ee ahaa in uu wax doorto iyo in la doorto, waxaa si daah-furan loo sameynayaa gabood-fallo caadi ah, waana iskaga tagayaa halkan oo safar ayaa ahay”.

Jawaari oo dhawaan gaaray magaalada Baydhabo ayaa lagu waday in uu u tartamo kursiga summadiisu tahay HOP#103, wuxuuna maamulka Laftageen ka hor istaagay diiwaangelinta musharraxnimo, taas oo muujineyso in nidaamka doorasho ee Golaha Shacabka uu gacanta ugu jiro Maamul Goboleedyada, halka ay aheyd in ay Beeluhu go’aamiyaan cidda kursiga ku mataleyso.

Hadalka kasoo yeeray Jawaari ayaa ah mid culus oo dareen weyn ku abuuray bulshada Soomaaliyeed, kuwaas oo quus ka taagnaa hannaanka ay ku socoto doorashada.

Maxaa kaaga baxay hadalka Prof. Jawaari?.

COMMENTS