October 21, 2021 | Posted by admin

Ciidamada ammaanka Galmudug ayaa xalay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug  ku xiray qaar ka mid ah odayaal dhaqan oo shir ku yeeshay magaalada dhuusamareeb, sida ay ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Warbaahinta

Odayaasha la xiray oo gaaraya illaa 9 ayaa shirkooda uga hadlay xiisadda ka dhex-oogan maamulka Galmudug iyo kooxda Ahlu-Sunna, ayaga oo soo jeediyey in wada-hadal lagu dhameeyo, oo aan dagaal loo adeegsan. 

Odayaasha ayaa la geeyey saldhigga booliska magaalada Dhuusamareeb, waxaana Halkaasi lagu waydiiyay Su’aalo ku saabsan Shirkooda iyo waxa ay uga hadleen.

Sababta odayaasha loo xiray ayaa lagu sheegay inay tahay soo jeedintooda ku saabsan wada-hadallo lala galo, taasi oo madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor uu kasoo horjeedo.

Axmed Qoor Qoor ayaa la sheegay inay ka go’an tahay inuu dagaal ku qaado magaalada Guriceel oo ay haystaan Ahlu-Sunna, wuxuuna wada-hadal lala galo kooxdaas shuruud uga dhigay inay marka hore soo wareejiyaan gacan ku haynta magaalada.

Dagaalka uu Qoor Qoor doonayo inuu ku qaado Ahlu-Sunna ayaa horey u sababay inuu is-casilo wasiirkii amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi, oo ku gacan seeray dagaal loo adeegsado kooxda, kuna baaqay wada-hadal.

COMMENTS