July 17, 2020 | Posted by admin

Boliiska Galkacyo ayaa gacanta ku soo dhigay nin dhawaan dad shacab ah ku xasuuqay Deegaanka garasbaaleey ee Duleedka Muqdisho, ka dibna baxsaday.

War ka soobaxay Taliska Boliiska Soomaaliya ayaa Lagu sheegay sidaan.

17/July/2020 abaare 06:00 AM, ayaa Boliiska Dowlad Goboleedka Galmudug ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ay gacanta ku Soo dhigeen eedeysane, Aweys Cisman Cabdi, oo 9/July/2020 dilay ilaa afar qofood, dhaawacayna ilaa 5 kale Tabeelaha Sheikh Ibraahim ee deegaanka Garasbeeleey.

Qabashadaan ayaa ku Soo aaday kadib iskaashi ay sameeyeen Hoggaanka Baarista Dembiyada iyo Boliiska Dowlad Goboleedka Galmudug ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, sida uu ii xaqiijiyay Col QAASIM SHIIKHDOON, Taliyaha Qeybta Boliiska Gobolka Mudug.

Dhawaan ayaan saxaaafada usoo bandhigidoonaa si’aan ugu wareejino hay’adaha Garsoorka Dalka si Cadaalada loo waafajiyo.

COMMENTS