July 11, 2012 | Posted by admin

Muqdisho – Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah odoyaasha dhaqanka ee ku jira shirka odoyaasha dhaqanka ee ka socda magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu sheegay in Raysal wasaaraha Soomaaliya kulankii  ay la qaateen ay u dheegeen in loo baahanyahay in labadalo qodobo dhowr ah oo ku qoran dastuurka cusub ee Soomaaliya.

Nabadoonka ayaa wuxuu sheegay hadii dastuurkaan uu yahay mid ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed in ay haboontahay in laga reebo waxyaabaha aanan anfacayn in shacabka.

“wadan kasta wuxuu leeyahay caasimad waa in dastuurka lagu cadeeyaa caasimada wadanka, oo waliba lagu cadeeyaa in ay tahay Muqdisho” ayuu yiri Nabadoon Maxamed Xasan Xaad.

Sidoo kale wuxuu sheegay qodobka ku saabsan Dhulka Jahuuriyada iyo Soohdimaha wadanka, in uu yahay gabi ahaanba mid qaldan loona baahanyahay in aanan marnababa aanan gor girtan laga galin Dhulka iyo Soodimaha wadanka.

“Anagu waxaanahay dad islaam ah, waxaana diinteenu ay qabtaa in lagu qaan gaaro 15-sano dastuurkaan waxaa ku qoran in 18-sano ay tahay da’da qaangaarka”ayuu hadalkiisa uu ku sii daray nabadoon xaad.

Hadalka ka soo yeeray nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa wuxuu ku soo adayaa xili Raysal wasaaraha Soomaaliya uu shalay kulan la qaatay odoyaasha odoyaasha dhaqanka isla markaana uu kala hadlay in ay soo dadajiyaan soo xulida ergada ansixinaysa dastuurka cusub ee Soomaaliya.

COMMENTS