June 20, 2015 | Posted by admin

Dowlada Kenya ayaa shaacisay in muwaadin u dhashay dalka Germany uu qeyb ka ahaa koox ka tirsaneyd Alshabaab oo weerar ku qaaday Axadii lasoo dhaafay saldhig ciidamada militariga ku leeyihiin gobolka Waqooyi ee dalka Kenya.

Wasaarada arimaha gudaha Kenya xubno ka tirsan ayaa warbaahinta sidaasi u xaqiijiyay maalintii shalay oo jimco aheyd.

11 ruux oo Soomaali ah iyo labo askari Kenyan ah ayaa wasaarada arimaha gudaha Kenya ku sheegtay in weerarka ay ku dhinteen, markii xili subax ah Alshabaab ay weerareen saldhiga oo ku yaala meel ku dhow deegaanka Baure oo Lamu ka tirsan kuna dhow xuduuda Somalia iyo Kenya.

“Waxaan xaqiijinay in ruux u dhashay Germany uu kamid ahaa ragii weerarka kusoo qaaday lamu, waxaana sawirkiisa u dirnay sidii tuhmane oo kale”sidaasi waxaa yiri Mwenda Njoka oo ah afhayeenka wasaarada arimaha gudaha Kenya.

Ruuxa u dhashay dalka Germany ayaa magaciisa lagu sheegay Martin Muller, laakiin waxaa loo yaqaanay Abu Nuseybay, waxaana loo maleynayaa inuu dhaawac kasoo gaaray weerar.

Sidoo kale dowlada Kenya ayaa baahisay sawirka ruuxa Germany u dhashay oo ahaa ruux cad oo gar leh, da’diisana tahay meel dhaxaad isagoo xiran dhar military.

Horaantii todobaadkaan, dowlada Kenya ayaa sheegtay in muwaadin u dhashay UK Thomas Evans sidoo kalana loo yanaanay Cabdul Xakiim ayaa lagu dilay weerarka Lamu, sida Kenya ay sheegtay. – See more at: //risaala.net/articles/26795/Muwaadin-Germany-ah-oo-Alshabaab-ka-caawiyay-Weerarkii-Lamu#sthash.aQCaGVu6.dpuf

COMMENTS