October 25, 2020 | Posted by admin

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi ayaa cafis u fidiyey Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte oo doonaya inuu dib ugu laabto magaalada Hargeysa.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu cafis u fidiyay Maxamed Cumar Carte, isla markaana uu tixgeliyay Codka uga yimid oo ah inuu Aabihiis oo caan ka ah Somaliland uu xanuunsan yahay.
Maxamed Cumar Carte oo ka mid ahaa xildhibaanada baarlamaanka dowlada federalka ayaa la sheegay inuu iska casilay xilkaas.

Cumar Carte Qaalib oo ah aabaha dhalay Maxamed Cumar Carte ayaa ku xanuusanaya magaalada Hargeysa,waxana uu hore uga soo qabtay xilal kala duwan dowladihii hore u soo maray dalka.

Dhinaca kale Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa ka digay in Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore ee dalka tego Magaalada Hargeysa, iyagoo tegitaankiisa Caasimadda Somaliland shuruud uga dhigay ka tanaasulka fikirka midnimadda Soomaaliyeed.

Hoos ka Akhiso Qoraalka kasoo baxay Madaxweyne Muuse Biixi.

COMMENTS