July 6, 2015 | Posted by admin

Madaxweyne C/kariim Xuseen Guuleed oo hoodo u helay inuu noqdo Madaxweynihii ugu horreyey ee Dowlad-gobaleedka Galmudug ee curdanka ah ayaa waxa uu bilaabay inuu ka fekero Dhismaha Golaha Wasiiradda ee uu dhawaan ku dhawaaqi doono.

Madaxweyne Guuleed ayaa la sheegay inuu ka baaraan-degayo inuu Mushaarixiintii uu kaga guuleystay Doorashaddii Madaxtinimadda ku soo biiriyo Dowladda uu dhisayo, waxayna La-taliyayaashiisa u guuxeen ra’yigaasi.

Ilo xog-ogaal ah ayaa waxay ishaarayaan inuu qorshahaasi weli u baahan yahay La-tashiyo dheeraad, inkastoo lagu han weyn yahay in lagu saleeyo Nidaamka Awood-qeybsiga Beelaha ku mideysan Dowlad-gobaleedka Galmudug.

Ma kala cadda xilalka uu u qoondeynayo Musharxiinta uu ka fekeray inay Maamulkiisa ka mid noqdaan, waxaase la hadal-hayaa inuu Wasiirka Arrimaha Dibedda u dhiibi doono Axmed C/salaam Xaaji Aadan, iyadoo Jeneral Cabdi Qeydiidna loo qorsheynayo in laga dhigo Wasiirka Arrimaha Gudaha, inkastoo xilkaasi ay u xusul-duubayaan Beesha Wacaysle oo iyagu dhul ballaaran ka degga dhul-deexeedka Galgaduud.

Wasiirka Ammaanka iyo Dhaqan-celinta Maleeshiyooyinka ee Dowlad-gobaleedka Galmudug ayaa la hadal-hayaa in loo dhiibi doono Musharax Xasan Maxamed Nuur “Qalaad”, halka Wasiirka Maaliyadda iyo Iskaashiga Caalamigana la hadal-hayo in loo magacaabi doono Axmed Macallim Fiqi.

Taabagelinta Shaxda hordhaca ee la hadal-hayo ayaa u baahan inay oggolaadaan Beelaha Musharixiintaas iyo kuwa kale, waaba haddii uu Madaxweyne Guuleed uu guddoonsado arrinkaasi.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inaysan wax fudud ahayn in la dhiso Xukuumadda Galmudug, iyadoo aan lagala tashanin Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha ku mideysan Maamulka Galmudug.

Dhaqan-yaqaanadda Beelaha iyo Siyaasiyiinta damaca kaga jiro Xukuumadda cusub ayaa waxay ku jiraan Xisaabtan hoose, iyagoo indhaha ku haya isla markana gorgortan ka gelayo qaabka loo qeybsan doono Xilalka muhiimka ee Wasaaradaha.

Madaxweyne Guuleed waxaa ku haboon inuusan ku il-duufin kuna sal-fududaanin Dhismaha Xukuumadiiisa, waana inuu maanka ku hayo inay Beelaha wada deggan Goballadda Dhexe doonayaan iska dhex arkaan Masraxa Dowladda Galmudug.

Waxaa hubaal ah inay beel kasta u xusul-duubayso inay maqaan fiican ka helaan Dowladda, waana dhaqan Soomaalida lagu bartay inay ku hal-qabsadaan “Looma Dhamo iyo Waan qaadacnay, haddii ay iska waayaan Maamul kasta oo la yegleelayo.

Madaxweynaha Galmudug waa inuu si gaar ah ugu fekeraa Saami-qeybsiga Ahlu Sunna Wal-jameeca ka helayso Maamulkiisa, waxayna arrintaasi ku noqon kartaa Halxiraale Siyaasadeed oo quusin karta ama najaxin karta Maamulkiisa.

Madaxda Ahlu Sunna Wal-jameeca waxaa iyagana la gudboon inay ka tanaasulaan Maamulka laga dhisayo Dhuusamareeb oo u muuqda mid loogu talagalay in lagu gorgortamo ama lagu dhiciseeyo Maamulka Galmudug.

Si kastaba ha ahaatee, haddii uu Madaxweyne Guuleed go’aansado inuu Musharixiintii uu ka guuleystay ka mid noqdaan Maamulkiisa waxay taasi u noqon kartaa Sumcad Dimuqraadiyadeed iyo in loo arko Hoggaamiye aan caddow u arkin musharixiinta isaga la loolantay, iyadoo la og yhaay in kharaj iyo waqti lagu bixiyey doorashadda Madaxtinimadda Galmudug.

COMMENTS