January 12, 2022 | Posted by admin

Golaha Midowga Musharraxiinta wuxuu uga mahadcelinayaa Golaha Bulshada Banaadir (GBB) aqbalka codsigii kaga yimid Odayaasha Dhaqanka Muqdisho iyo Midowga Murashaxiinta ee ahaa in dib loo dhigo mudaaharaadkii uu GBB qaban lahaa maalinta Khamiista ah 13/01/22.

Goluhu wuxuu cambaaraynaa hadalkii ka soo yeeray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee fal danbiyeed ku tilmaamay mudaaharaadka, oo ah xaq dastuuri ah, sida uu dhigayo qodobka 20-aad ee dastuurka dalka.

COMMENTS