February 17, 2021 | Posted by admin

Ilo ku dhaw midawga mushariixiinta Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa soo sheegaya in mushariixinta ay diyaariyeen 48 gaari ah oo tikniko ah iyo ciidankooda.

Xogta la helay ayaa tilmaameysa, in sadex goobood lagu diyaariyey gadiidkaasi iyo ciidankooda.

Ujeedka ciidankaasi loo diyaariyey ayaa ah in maalinta jimcaha ah lagu difaaco shacabka somaliyeed ee kasoo geybgalidoono banaanbaxa maalinta jimcaha ah lagu qabandoono fagaaraha taalada Daljirka dahsoon ee degmada boondheere, kaas oo ay iclaamiyeen midawga musharixiinta mucradka.Golaha musharixiinta ayaa ka cabsiqaba in carqalad lagu sameeyo banaanbaxaasi, iyagoo ka foojigan arintaasi.

COMMENTS