November 22, 2020 | Posted by admin

Xalay waxaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya kulan ku yeeshay qaar kamid ah musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya & Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor).

Musharixiinta la kulmay Qoor Qoor ayaa waxaa ay kala ahaayeen, Daahir Maxamuud Geelle, C/raxmaan C/shakuur Mustaf Dhuxulow, Xasan Cali Kheyre, Madaxweynihii hore Soomaaliya Xasan Sheekh & Madaxweynihii hore Galmudug C/kariin Guuleed

Waarka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Musharixiinta Madaxweynaha ay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) u gudbiyeen cabashada ay ka qabaan Xubnaha Guddiga doorashooyinka uu dhankiisa soo Magacaabay,isla markaana ay ka dalbadeen in uu ka laabto.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Madaxweynaha Galmudug uu musharixiinta mucaaradka ka codsaday inay fursad siiyaan, sidoo kalena uu u sheegay in sababta kaligiis loogu dhegan yahay, maadaama Madaxda kale ay soo qorteen rag ka Shaqeeya Xafiisyadooda.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in Madaxda musharixiinta uu Hoygiisa ku casuumi doono, sidoo kale cabashadooda uu dib ugula noqon doono Madaxda Sare ee Dowladda Soomaaliya.

Saacadaha soo socda ayaa waxaa sidoo kale la filayaa in Musharixiinta Madaxweynaha ay xiriir la sameeyaan Madaxweynaha dooran ee Maamulka hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, iyaga oo u gudbin doona cabashada ay ka qabaan Guddiga doorashooyinka ee uu Magacaabay Madaxweynihii hore ee hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare.

COMMENTS