November 24, 2020 | Posted by admin

Xubnaha Musharaxiinta Madaxweynaha ee ku shirsan Muqdisho ayaa Iska dhax doortay Hogaan Cusub waxaana Gudoomiye Laga dhigay Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Shiikh shariif.

Gudoonkaan Cusub ayaa waxaa ka soo dhaxmuuqday Masuuliyiin xilal kala duwan soo qabtay waxaana ka mid ah Shiikh Shariif Xuseen Cabdi xalane iyo Ridwaan Rirsi.

Musharaxiinta ayaa  Guddoomiye u doortay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya  Sheekh Shariif Shiikh Axmed, Xogheyn  waxaa laga dhigay Wasiirkii Maaliyada Soomaaliya Xuseen Cabdi Xalane iyo Afhayeen oo asna Laga dhigay Ridwan Xirsi oo ahaan jiray Ra’iisul Wasaare Kuxigeenkii Hore ee Soomaaliya Dowladii Xasan Shiikh

COMMENTS