July 15, 2015 | Posted by admin

140919115148_yoweri_museveni_512x288_bbc_nocredit
Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa Arbacada bilaabaya maalintii labaad ee wadaxaajood nabadeed oo uu ka wado Burundi.
Ka dib markii uu safar xagga dhulka ah kaga yimid dalka Uganda ayuu Madaxweyne Museveni wuxuu u sheegay siyaasiyiinta Burundi, bulshada rayidka, iyo kooxaha diimaha in Burundi sida dalal kale ay ka jiraan dhibaatooyin, sababo uu ku tilmaamay afkaar khaldan oo ku jirta dadka madaxooda.
Mid ka mid ah afkaartaas khaldan ayuu ku sheegay kala qoqobnaan. Taasina waa kala qaybsanaanta xagga isirka ee dhex taalla Hutuga tirada badan iyo Tutsiga tirada yar sida ay xaaladda Burundi tahay.
Afkaarta khaldan, sida ay aragtidiisa tahay, ayaa ah in loo fikiro xukuumadda oo gacanta lagu hayo inay tahay arrinta ugu muhiimsan ee la sameeyo.
Xoghayaha Guud ee urur goboleedka safarka soo qabanqaabiyey oo ah beesha Afrikada Bari, Richard Sezibera, ayaa sheegay in doorashada dimuqaraadiyadda ku salaysan ee la qorsheeyey in ay dalka ka dhacdo aysan natiijadeedu noqon in muwaadiniintu ay guryahooda ka cararaan oo ay u qaxaan waddan kale.
Xalay ayuu Madaxweyne Museveni wadahadal si wadajir ah ula yeeshay mucaaradka siyaasadda, kooxaha bulshada rayidka iyo wakiillo ka socday kaniisadda, Arbacada maanta ahna waxaa lagu wadaa in uu gooni gooni ula kulmo wakiillo ka socda xukuumadda iyo madaxweynayaashii hore ee dalka.
In kastoo mucaaradku ay qabaan in aysan ka noqonayn go’aankooda ah in uusan madaxweyne Pierre Nkurunziza isu soo taagin in uu mar seddaxaad qabto xafiiska, ayey haddana xukuumaddu ku faraxsan tahay in beesha Afrikada Bari aysan u igman Madaxweyne Museveni inuu arrinta wadaxaajood ka galo, taas oo xukuumaddu ay u haysato arrin la soo afjaray.
Waxaa la arki doonaa bal haddii uu jabin karo is mari waaga, ka hor doorashada madaxtinimada ee dhici doonta muddo todobaad ka yar.
Laba ergay oo Qarammada Midoobay ka socda ayaan horay ugu guul daraystay in ay isu keenaan oo wada-hadalsiiyaan xukuumadda iyo mucaaradka.

COMMENTS