October 2, 2020 | Posted by admin

Waxaa soconaya Gurmad xoogan oo lagu soo bad baadinayo dad ubadan Dumar oo ay la duntay Hool laga Hoos-qoday Boosaneer kuna yaala Hotelka Qoobey ee Muqdisho una dhaw isbitaalka Digfeer ee Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in Goobta dhacdadaan ay ka dhacday ay ka socotay Mashxaradeen aroos, waxaana Dumay Hoolkii sida la sheegayo.

Goobta Hoolku ku yiilay waxaa ka Hooseeyay Godka musqulaha ee Loo yaqaano Boosaneerka, Dumar badan ayaa laga soo bad baadiyay waxaana wili soconaya Gurmadka lagu soo bad baadinayo dadkii Goobtaasi ku jiray.

ilaa iyo hadda waxaa la soo badbaadiyay 3 qof oo dumar ah oo qaba dhaawacyo waxaana la jiifiyay isbitaal.

COMMENTS