July 24, 2020 | Posted by admin

Sanad ayaa lag joogaa qaraxii ka dhacay gobolka Banaadir waxaana dadkii ku dhintay ka mid ahaa Guddoomiyaashii allah ha naxariistee Degmooyinka  Cabdicasiis Sabaax Cabdullaahi,Shangaani Sahro Markeysi iyo guddoomiyihii degmada Waaberi Mahad Cilmi iyo agaasimyaal ka tirsanaa Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha  Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar-Filish) ayaa magacaabay guddi diyaarinayo munaasabado lagu xusayo looguna duceynayo lagu qabto magaalada Muqdisho.

Maanta oo jimco ah ayaa waxaa muqdisho ka soconayo munaasabadahaasi maadaama ay ku beegantahay maanta waxaana la filayaa inay ka qeyb-galaan ururada bulshada rayidka iyo madaxa kale oo heer gobolka iyo heer dowladeed ah.

Weerarkii  sanadka ka hor ka dhacay aqalka dowladda Hoose waxaa ku dhinta sedex Guddoomiye Degmo,labo lataliye sare ,hal agaasime guud ,sedex agaasime waxed waxaana sidoo kale ku dhaawacmay tiro kale oo ka badan 12 ruux .

Afhayeenka Gobolka Banaadir Salaax Cumar oo ka mid ah guddiga diyaarinayo munaasabadaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay uduceeyaan marxuumiintii ku shahiiday Gobolka Banaadir.

COMMENTS