June 22, 2020 | Posted by admin

Muqdisho waxaa ka dhacay kulan u dhaxeeyay imaamka Mudulood imaam Maxamed yuusuf, Xubna sar sare oo ka Tirsan Mudullood iyo sidoo kale Masuuliyiin ka tirsan Dowladda soomaaliya, waxaana shirkaan la sheegayaa in looga hadlay Shirweyne dhawaan Qabsoomi doona loogana Hadlayo arima Muhiim ah oo qeyb ka yahay Maqaamka iyo Matalaada Gobalka Banaadir.

Sidoo kale waxaa Maal maha soo aadin Saxaafada la hadli doona imaamka Mudulood, waxuuna ka hadli doonaa Shirweynaha Beelweynta mudulood iyo waxyaabaha diirada Lagu saari doono, iyadoo lawada ogsoonyahay in maanta golaha shacabka Soomaaliya ay dib udhigeen Dooda ku saabsaneed Maqaamka Gobalka Banaadir.

Shirka Mudulood Xubnaha muhiimka ah ee Goobjoog ka ahaa waxaa kamid ahaa wasiirka Ganacsiga Soomaaliya Eng cabdullahi Cali xasan iyo xubna kale oo siyaasada Mudullood aad uga dhaxmuuqda.

Dhawaan waxaa dib udhac ku yimid shirweynaha Mudulood oo ka qabsoomi lahaa Muqdisho, sababa Farsama Awgeed.

COMMENTS