August 1, 2022 | Posted by admin

Iyadoo xalay xili dambe uu madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen uu ku dhawaaqay xubnaha liiska Golaha Wasiiradda maamulka Hirshabeelle ayaa durba waxaa soo baxday inuu is casilo mid ka mid ah wasiir ku xigeenada uu magacaabay.

Xildhibaan Geelle Isaaq Warsame oo ka mid ahaa wasiiradda Hirshabeelle ee la magacaabay ayaa shaaciyay inuu iska casilay xilka wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Hirshabeelle, kadib qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook inkastoo uusan sheegin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa iscasilaadiisa, hayeeshee warar hoose aan helnay ayaa sheegaya inuu saluugay xilka wasiir ku xigeenimo oo uu doonayay in laga dhigo wasiir buuxa.

Dhinaca kale Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay gobolka Hiiraan ayaa si aad ah uga horyimid magacaabista Golaha Wasiiradda cusub ee maamulka Hirshabeelle, kuwaas oo sheegay ineysan waxba ka badaleynin magacaabista wasiiradaan go’aankii shacabka reer Hiiraan ay ku diidanayeen maamulka Hirshabeelle.

Xildhibaan Maxamed Cabduqaair Maxamed ayaa sheegay in dadka reer Hiiraan oo ay ku matalaan Baarlamaanka Soomaaliya ineysan marna ku qanacsanen hab dhismeedka Hirshabeelle, islamarkaana aysan indhaha ka qabsan doonin meel marinta rabitaanka shacabka ay matalaan.

“Waxaan marnaba indhaha laga qabsan karin Xaalada hirshabelle iyo sida aay wax ku soc’daan, Waxaan baadi goob u’galeynaa helista hirshabelle ku dhisan aqoon iyo awood qeybsi midnimo leh Hirshabelada shaqsiga jeebka ku wato waa laga saraaya insha allaah Dadka aan ku matalo kursiga xildhibaannimada ee reer Hiiraan marna kuma qanacsaneen dhisida Hirshabelle. Waxaana hormuud ka noqon doonaa helista xaqa Naga maqan Wasaaradaha loo’kala wareejiyey Labada Beelood ma ahan wax lagu seexin karo Dadkeyga Xaqa iyo xaquuqda kamaqan ayaa ka Baaxad weyn xisaabta shaqsiga gaarka ah uu wato Hadii guudlawe uu Diiday in uu talo iyo tusma ka Dhageysto madaxda deeganka waxaan sugeynaa Halka uu ku furo Geediga” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir Maxamed.

Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa isna dhankiisa si adag u dhaliilay hab dhismeedka maamulka Hirshabeelle oo uu sheegay in la joogo waqtigii reer Hiiraan ay heli lahayeen xaquuqda kaga maqan nidaamka Hirshabeelle.

COMMENTS