September 12, 2020 | Posted by admin

Alle ha u naxariisto Xamdi Maxamed Faarax, oo shalay koox dhalinyaro ah kufsi wadareed iyo dil ugu geestay degmada Waabari ee gobalka Banaadir.

Xamdi waxey aheyd 20 jir qalbi wanaagsan oo Alle ka soke isu dhiibtay mid kamid ah dhalinyaradaas oo ay jaceel wadaag ahaayeen, hase yeeshee u balansaday wiilal kale oo saaxibadiis ah si ay u kufsadaan kadibna u dilaan.

Maanta ayaa la soo aasay, ilaaheey ha u naxariisto, waa fal aad u xun oo taabanaya qalbiga qof kasta oo damiir leh.

Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya waxaa ku soo badanayo kufsiga gabdhaha iyo dilkooda. Gabar kasta waxaan ugu baaqayaa in ay is ilaaliso oo ay ka fiirsato qofka ay aamineyso.

COMMENTS