July 29, 2020 | Posted by admin

HomeNews

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xukun ku riday Wariye C/casiis Gurbiye

By mahad -July 29, 2020FacebookTwitterPinterestWhatsApp

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta xukun ku ridday Tifaftiraha Warbaahinta Goobjoog C/casiis Axmed Gurbiye, kaddib markii maanta mar kale la horgeeyay Maxkamadda.

Wariye C/casiis Gurbiye ayaa lagu xukumay lix bilood oo xariga ah iyo 5 Milyan oo Shillin Soomaali ah, iyadoo sheegtay in lagu helay qodobka 368 ee xeerka ciqaabta, oo ku saabsan wararka been abuurka ah, waxaana xukunka uu yahay mid uu gadan karo.

Ururada u dooda Xuquuqda Wariyeyaasha ayaa ka dalbaday Maxkamadda in meesha laga saaro xeerka ciqaabta Soomaaliyeed in loo adeegsado Wariyeyaasha, maadaama dad aan loogu talo gelin baarista ay ka qeyb qaadanayaan maxkamadeynta Wariyaha.

Wariye Cabdi Casiis Axmed Gurbiye ayaa 14-kii Bishii April ee sanadkaan 2020 waxaa loogu yeeray saldhigga degmada Hodan waana la xiray afar maalmood kadib damaanad ayaa lagu sii daayay.

Tan iyo wixii xilligaas ka dambeeyay wariye C/casiis Gurbiye ayaa damaanad ku joogay bannaanka, iyadoo loo diiday inuu shaqadiisa saxaafadeed sii wato ama uu wax ku qoro bartiisa Facebook.

COMMENTS