July 16, 2020 | Posted by admin

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Xukun dil ah ku riday Liibaan Cabdi Faarax oo ka tirsanaa ciidamada Militariga Soomaaliya.


Liibaan ayaa Loo haystaa dil bishii December ee Sanadkii tegay oo u gaystay allaha unaxaristee Maxamed Daahir Siyaad oo ahaa arday baranayay waxbarashada dugsiga Sare.


Dilka ardaygaan ayaa ka dhacay Degmada Hodan ee Gobalka Banaadir gaar ahaan Haanta dheer.

Dhor askari oo Muqdisho dad shacab ah ku dilay ayaa Horay Maxkamada ciidamada qalabka sida ugu riday xakun, in kastoo ay jiraan askar iyo shaqsiyaad dil ka gaystay Xamar oo aan wili cadaalada La horkeenin.

COMMENTS