April 6, 2021 | Posted by admin

Shaqaalaha isbitaalka keysaney oo cabasho ka ah tuugo dhac iyo dil ugaysta xiliyada shaqada ay usocdan .

Waxa ay sheegeen shaqaalaha in tuugada ay wadada ugalaan shaqaalaha iyo dadka booqashada ugu socda bukaanada jiifa isbitaalka qofkii wax laga waayana naftiisa dhaawac loogaysto .

Sidokale waxa ay sheegeen in xiliyada qaar wadada loogalo gaadiidka gurmaddka deg dega ah , lana baarto dhaqaatiirta saaran kuwaas oo uu tilmaamay in hadii wax laga waayo dhaawac loo gaysto.

“Waxaa qal qal iyo amni daro ku marnaa wadada weyn ee kasoo baxda isgooska mirinaayo ilaaa iyo keysaney iyo wadada isku xerta keysaney ilaa xaawa casir ilaa iyo suuqa karaan kii bukanka usocdana waxii hanti uuwato ayaa laga dhacaaa hadii wax laga waayana nafsadiisa ladhaawacaa ayadoo amni xumada jirto ayaa gawaarida gargaarka deg dega ah isbitalka leyahay wadada in loo galo labaaranaya “. Waxaa sidaas yiri Maxamed Axmed Colaad oo kamid ah dhaqaatiirta Isbitaalka .

Waxay ugu baaqeen Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Maamulka Gobalka Banaadir in arintaan wax laga qabto .

Degmooyinka gobalka banaadir ayaa waxaa kusoo badanaayay mudooyinkii dambe tuugada dhaca iyo dilalka ugaysta dadka shacabka ah habeen iyo maalin.

COMMENTS