August 4, 2020 | Posted by admin

Safiirka Qatar u fadhiya Soomaaliya Xasan Bin Xamsa ayaa todobaad gudihiisa kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxda dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeer, waxaana uu kaabayaa dadaal Madaxtooyada ugu jirto sidii Shirka Dhuusamareeb 3 u noqon lahaa mid DFS iyo saddexdan dowlad Goboleed ay isku aragti kaga noqon lahaayeen hannaanka doorashada.

Waxaa horay u jiray kulan bil ka hor uu la qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal, oo ku saabsanaa arrimaha doorashada, waxaana Qatar aad u taageereysa mallaayiin doollar ku bixineysa hannaanka doorashada ee Villa Somalia wadato.

COMMENTS