June 16, 2021 | Posted by admin

Golaha Siyaasadda Somaliland ee ku dhaqan Muqdisho ayaa sheegay in uu faragelin ku hayo Madaxweyne Farmaajo xulista iyo dib u habaynta Guddiyada Doorashada kuraasta Somaliland.

Golaha ayaa Madaxweyneha ku eedeeyay in uu soo farageliyay hawshii Ra’iisul Wasaarahu u xilsaaray Wasiiradda ee ahayd inay xubnaha lagu soo eedeeyay Shaqaalaha Dawladda iyo Ciidamada laga saaro Guddiga taas oo ku cadayd heshiiskii 27 May, iyaga oo xusey in Madaxweynuhu si toosa ula wareegay shaqadii Wasiiradda oo uu xubno ay ka saareen dib ugu soo celiyay oo uu ka mid yahay Khadar Xariir Xuseen oo ka mid ah Shaqaalaha Rayidka Dawladda DFS.

sidoo kalena uu Madaxweynuhu doonayo in uu soo magacaabo 5 Xubnood oo uu magacaabayay Ra’iisul Wasaaruhu marka uu kala tashado Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi.

COMMENTS