July 25, 2020 | Posted by admin

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo goor dhow soo xiray kulankii Maanta ee Baarlamaanka ayaa sheegay in kalsoonidii lagala noqday Ra’iisul wasaraaha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre.

Guddoomiye Mursal ayaa sheegay in ay Ra’iisul wasaaraha kalsoonida kala noqddeen 170 mudane, ayna diideen Siddeed mudane, mana jirta cid ka aamustay.

Afhayeenka Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Madaxweynaha Dalka ugu baaqay inuu soo magacaabo Ra’iisul wasaare cusub.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre xilka u Magacaabay 23 Feebaraayo 2017-kii.

COMMENTS