October 21, 2021 | Posted by admin

Kulankan ayaa ka dhashay dadaalo uu waday labadii cisho ee la soo dhaafay Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen.

Kulankan ayaa ahaa mid xalinayay khilaafkii sababay kala jabka NISA iyo shaqo ka eryintii Taliyihii hore NISA Fahad Yaasiin ee ka dhalatay kiiskii dilkii Ikraan.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in kulanka ahaa mid hordhac oo salaan iyo sheekeysi, waxaana lagu balamay in caawa kulan kale la isugu yimaado, si loo dhammeystiro waxyaabaha haray ee labada dhinac u dhaxeeyay.

Ilo wareedyo ku dhow kulanka xalay ayaa ii sheegay in kulanka xalay intiisa badan ahaa mid la isku laab furay, kana muuqatay is faham iyo isu soo dhowaansho, ayna rajo ka qabaan in caawa inta dhiman is afgarad buuxa laga gaaro.

COMMENTS