July 6, 2020 | Posted by admin

Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran iyo Guddoonka Golaha Shacabka oo ka wada hadlay xaaladda dalka iyo doorashooyinka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka C/wali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa kulan gaar ah la yeeshay Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran oo ay matalayeen Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynihi hore mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Ujeedka kulanka wuxuu ahaa in xaaladda Dalka leyska wareysto gaar ahaan in Guddoonka Golaha Shacabka uu warbixin la wadaago Madasha Xisbiyada Qaran oo talooyin dhowr mar u jeedisay hoggaanka dalka.

Waxyaabaha sida gaarka ah looga hadlay waxaa kamid ahaa baahida loo qabo inay waqtigooda ku dhacaan doorashooyinka, ayna noqdaan doorashooyin laga wada tashaday loo dhan yahay, keeni kara nabad iyo horumar loogana gudbi karo xaaladda adag ee dalku uu ku jiro, isla markaana ay jirto mabaadii guud iyo dammaanad lagu xaqiijinayo arrintaas, in wada hadallada la sii wado si’ is faham buuxa looga gaaro arrimaha doorashooyinka, sidaasoo kale waxaa laga hadlay dhinacyada muhiimka u ah doorashooyinka in dadaal xooggan le geliyo sidii loogu qancin lahaa oo loogu waajihi lahaa doorashooyinka aragti mideysan oo dhalin karta kalsooni, sharciyad iyo taageerada shacabka.

COMMENTS