October 26, 2021 | Posted by admin

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa xukun shan sano ah oo xabsi ah ku ridday mid ka mid ah khubarada fallanqeeya siyaasadda iyo amniga ee Geeska Afrika Matt Bryden oo ka mid ah aas-aasayaasha hay’adda cilmi-baarista Sahan Research.

Maxkamadda ayaa ku eedaysay Matt Bryden faafinta sir qaran, oo aan faah-faahin dheeraad ah laga bixin.

Matt Bryden ayaan ku sugneyn Muqdisho, waxaana hay’addiisa inay ka howlgasho Soomaaliya laga mamuuncay bishii December ee 2018-kii.

Dhinaca kalena waxaa xukunkan ka hadlay Sahan Research oo jawaab ay usoo dirtay VOA ku sheegtay inay Sahan Research aad uga xuntahay xukunkan, islamarkaana uu shaki uga jiro kalsoonida lagu qabi karo hannaanka caddaaladda ee la maray iyo tusaalaha ay bixinayso.

Waxay sheegtay Sahan Research inay racfaan ka qaadanayso go’aankan inkastoo aysan caddayn sida racfaankaas u meelmari karo maadaama nidaamka garsoorka Soomaaliya yahay shaqo weli socota oo aan dhammaystirnayn.

Sahan Research waxay sheegtay inay ku faraxsan tahay cilmi-baaristeeda iyo falanqaynta ay samayso ee ku saabsan dhismaha nabadda Soomaaliya iyo guud ahaan gobolkaba.

Waxay sheegtay in warbixinadooda u furan yihiin dadweynaha, qofkii danaynaya uu qiimayntiisa ku samayn karo, ayada oo intaas ku dartay inaysan u baahnayn inay sharci jebiso si ay xog u hesho, islamarkaana aysan marna sharci jebin.

Sahan Research waxay ku tilmaantay dawcadda ka dhanka ah inay ahayd mid ay saamayn xooggan ay ku leedahay madaxtooyada Soomaaliya.

Waxay sheegtay inay rajaynayso ayna filayaan in codadka madaxabannaan ee Soomaaliya oo ay ku jiraan hay’adaha cilmi-baarista, warbaahinta, iyo beesha caalamka oo shaqadooda taageera ay xukunkan u arki doonaan inuu calaamad u yahay inay dawladda Soomaaliya ku siqayso keli-telisnimo, ayna aad uga shaqayn doonaan sidii loo ilaalin lahaa dimqoraadiyadda.

COMMENTS