August 1, 2020 | Posted by admin

Wararka laga helayo Madaxtooyada Villa Somalia ayaa sheegaya in sababaha xil ka qaadista Xoghayihii KMG ahaa ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha C/risaaq Caato ay la xiriirto xadgudub lagula kacay Yaxye Cali Hareeri oo ka mid ahaa ragga aadka ugu dhowaa Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre oo maanta la isku dayay in gaari uu watay in lagala wareego.

Yaxye Cali Hareeri oo gaariga aan xabadaha karin la socday ayaa ku tagay hoyga Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa waxaa markiiba gaarigiisa hareereeyeen Ciidamo uu soo diray C/risaaq Caato, kuwaasoo darawalka waday gaariga ku amray inuu ka dego, dabadeedna la wareegay.

Arrintan oo ay ka caroodeen Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka ayaa u tagay Madaxweynaha, iyagoo u sheegay in aanay u dulqaadan doonin hab dhaqanka qalafsan ee lagula kacayo raggii ku dhowaa Ra’iisul Wasaarihii hore, isla markaana C/risaaq Caato uu maalmahan beegsi iyo xadgudub ku hayay raggii la soo shaqeeyay Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Intaas kaddib Madaxweyne Farmaajo ayaa degdeg u amray in xilka laga qaado C/risaaq Caato, waxaana uu la xiriiray Sii Hayaha Ra’iisul Wasaaraha Mahdi Guuleed oo durba xil ka qaadis la socotay iyo Magacaabis soo saaray, waxaana xilka si KMG ah loogu C/raxmaan Mucaawiye oo horay u ahaa Kuxigeenka Xoghayaha Joogtada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha

W/Q : Abdiaziz Golfyare

COMMENTS