August 2, 2020 | Posted by admin

Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Madaxweynihi hore ee Dalka mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynihi hore mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay kulan ay qayb ka ahaayeen Madaxweynihi hore mudane Cali Mahdi iyo Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare.

Kulankaan oo ka dhacay xarunta Madasha Xisbiyadda Qaran ayaa looga hadlay xaaladda dalka.

Waxyaabaha sidoo kale la isla soo qaaday waxaa ka mid ah doorashooyinka dalka.

Kulanka waxaa looga hadlay xaaladda Dalka, Marxaladda Siyaasadeed ee ku gedaaman dadka gobolka Banaadir iyo Shirka Mudullood oo Isniinta ka furmaya magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Mas’uuliyiintan ayaa isla soo hadal qaaday shirka Beesha Mudulood oo 13-ka Bishan ka furmaya magaalada Muqdisho, kaas oo qaban qaabadiisa ay ka socoto magaalada Muqdisho.

Siyaasiyiinta Beesha Mudulood iyo Waxgaradka ay hurgufta ka dhaxeyso ayaa ka heshiiyay arrintaan waxayna isku raaceen in loo dhammaado shirkaas.

COMMENTS