July 26, 2020 | Posted by admin

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa sheegtay in tallaabada Madaxweyne Farmaajo & Xildhibaannada Golaha Shacabka ay xilkii uga qaadeen wasiirkii Koowaad ee Xukumadda Soomaaliya xasan Cali Kheyre, kaas oo shalay si deg deg ah ay Xildhibaannada kalsoonida ugala laabteen.

War kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in tallaabadaas ay tahay sii kordhineysa xiisada siyaasadeed ee dalka, isla markaana ay wiiqeyso hanaankii wadahadalka ee u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladaha xubinta ka ah Federaalka. , iyo daneeyayaasha kale ee muhiimka ah.

Waxaa sidoo kale Mareykanka uu sheegay in Deganaanshaha Soomaaliya, xasilloonida, iyo barwaaqada lagu dhisi karo keliya iskaashi, isuduwid, iyo isu tanaasulidda hoggaamiyeyaasha Soomaalida dhexdooda ah.

“Safaaradda Mareykanka waxay sii wadaysaa inay carrabka ku adkeyso in dariiqa kaliya ee loo maro waqtigii loogu talagalay, nabad, doorashooyin federaali ah oo la hirgalin karo ay tahay wada tashi ballaaran iyo wada hadal wax ku ool ah oo dhexmara daneeyayaasha. Samaynta qaab doorasho oo la wada shaqeyn karo, oo la aqbali karo oo muhiim ah ayaa fure u ah dhowrista amniga iyo xasilloonida Soomaaliya aya alagu yiri” Warka Mareykanka.

Ugu dambeyn Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaalida, hay’adaha, iyo daneeyayaasha ugu baaqday inay ka shaqeeyaan danaha ugu wanaagsan ee waddankooda,isla markaana Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladaha xubinta ka ah federaalka, baarlamaanka, iyo dhinacyada kale in ay sii wadaan wada shaqeynta si loo meel mariyo heshiiskii lagu gaaray Dhuusamareeb.

Marka laga soo tago warkaan kasoo baxay Mareykanka ee ku aadan inay walaac ka muujinayaan qaabka xilka looga qaaday Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa hadana Kheyre oo Warbaahinta la hadlay uu aqbalay xilka qaadistaas.

COMMENTS