May 12, 2015 | Posted by admin

150511213853_salman_624x351_reuters_nocredit
Aqalka cad ee Mareykanka ayaa ku adkeysanaya in go’aanka uu qaatay boqor Salmaanka Sacuudiga ee ah inuusan ka qaybgalin kullanka ka dhacaya Camp David, in uusan ahayn mid mareykanka lagu xumeynayo.
Boqorka ayaa sheegay in uu u baahan yahay in uu sii joogo magaalda Riyaad si uu dusha ugala socdo xabd joojinta shanta maalmood ah ee la filayo in ay ka dhaqan gasho dalka yaman.
Madaxweyne Obama ayaa ku baaqay shirkaasi si waddamada Carbeed ee ku yaala Khaliijka ee ay xulufada yihiin uu uga saaro shakiga ku saabsan heshiiska dhanka niyuukleerka ah ee uu doonayo in uu la galo dalka Iran mustaqbalka.
War ka soo baxay aqalka cad ayaa lagu sheegay in kullanka u jeedadiisa ay tahay in la xoojiyo xiriirka dhanka wada shaqeynat amniga ee xukuumadda Washington ay la leedahay dalalka Carabta.
Waa sida keli ah ee ay ku muujin karaan walaaca ay ka qabaan qorshaha Obama uu ku doonaayo inuu Iiraan kula heshiiyo, taas oo dalalka carabta ay u arkaan inuu awood siinayo dalka uu loolanka kala dhexeeyo.
Afhayeenka aqalka cad, Josh Earnest, ayaa sheegay in go’aanka boqor Salmaan uusan calaamad u ahayn sida uusan ugu faraxsaneyn waxa laga hadlaayo.
Mowqifka Boqor Salmaan ee uusan uga qeybgaleyn kulanka ayaa loo arkaa inay farriin u tahay sida uusan ugu faraxsaneyn mowduuca laga hadlaayo.
laakiin aqalka cad ma diidana in xiriirka dhaqaneed ee kala dhexeeya dalalka Carabta uu dhibaato ku yahay heshiiska Obama uu Iiraan la galayo.

COMMENTS