September 12, 2022 | Posted by admin

Madaxweynaha Jamhuriyadd Federaalka Somalia, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo uu kaga qeybgalayo munaadabadda dhaarta iyo caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto.

Madaxweynaha waxaa Garoonka Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya. Isla caawa ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxay khadka telefonka ku wadahadleen Madaxweynaha cusub ee la doortay William Ruto, iyagoo ka wadahadley xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, uuna jiri doono kulan gaar ah oo labada Madaxweyne dhex mari doona.

COMMENTS