January 19, 2013 | Posted by admin

Maalin kaddib markii Maraykanka uu aqoonsaday dowladda Soomaaliya muddo ka badan 20 sano, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu ka codsaday Soomaalida ku dhaqan Minnesota inay ka qeyb-qaataan dib u dhiska dalkooda.

Madaxweyne Xasan ayaa xarunta Minneapolis Convention Center kula hadlay ku dhowaad 4,000 oo qof, isagoo ka codsaday Soomaalida ku dhaqan Maraykanka inay ku laabtaan dalka si ay uga qeyb-qaataan horumarinta dalkooda.

Wuxuu u mahad-celiyay dadkii xarunta isugu yimid, isagoo sheegay inay dowladdiisa qunsuliyad u adeegta Soomaalida ka furi doonto Minneapolis.  Minnesota waxaa deggan Soomaalida ugu badan ee ku nool Maraykanka.

Madaxweyne Xasan wuxuu sheegay inay dowladdiisu diiradda saari doonto ammaanka, dhaqaalaha iyo nidaamka caddaaladda

Wuxuu ku tilmaamay dowladda uu hormuudka u yahay “billowga aasaas cusub.”

Madaxweyne Xasan ayaa xafiiska qabtay horrantii bishii September 2012 kaddib markii uu ku guuleystay doorashadii ugu horreysay ee lagu qabto dalka gudihiisa tan iyo markii la af-gembiyay dowladdii dhexe ee Maxamed Siyaad Barre 1991

COMMENTS