September 8, 2020 | Posted by admin

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hogaaminayo oo Gaaray Magaalada Beydhabo ayaa si heer sare ah halkaas loogu soo dhoweeyay, waxaana Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud ku soo dhoweeyay wafdiga Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya mudane C.casiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyo qeybaha Kale duwan ee Bulshada Beydhabo Janaay.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa Beydhabo u yimid ka qeyb galka shirar la xiriira xoojinta Shirarkii Dhuusa Mareeb iyo iskaashiga KGS Iyo Hirshabelle ee Dhinacyada ammaanka iyo ka hortaga fatahaadaha.

Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo ka hadlayay socdaalka Beydhabo ee Maanta ayaa sheegay in ay ka arinsanayaan ka hadalka shirarkii Dhuusa Mareeb oo muhiimad gaar ah ugu fadhiyo Bulshada Soomaaliyeed islamarkaana la dhuudhuujiyo shirarkaasi ka dhacay magaalada dhuusa Mareeb ee Xarunta Galmudug.

COMMENTS