November 26, 2020 | Posted by admin

Madaxweynihii hore Soomaaliya Shariif Sh. Axmed ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Baydhabo, waxaana magaalada Baydhabo ka socda diyaar garow lagu soo dhoweynayo.

Safarka Sheekh Shariif ee Baydhabo ayaa bilow u ah socdaalo uu ku tagayo magaalooyinka dalka, si uu ugu ololeeyo doorashada soo socota.

Baydhabo waxaa dhawaan gaaray Masuuliyiin ka Tirsan Madasha Xisbiyada Qaran uu qeyb ka yahay Gudoomihii Hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Madoobe iyo Xubno ka Tirsan Labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

ujeedka Rasmiga ah ee Safarka Madaxweyne Shiikh Shariif ayaa salka ku haysa Loolanka Siyaasadeed ee ka soconaya Soomaaliya iyo Geedi socodka Doorashada

COMMENTS