September 10, 2010 | Posted by Duhur
Madaxweyne Shariif oo Khudbad xasaasi ah ka jeediyay xaflad lagu maamuusayay Ciidul-Fidriga. DHEGEYSO. SAWIRRO. PDF Print E-mail
Friday, 10 September 2010 08:54Read : 1120 times
Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa ka hadlay xaalada  siyaasadeed ee manta dalku marayo iyo dhibaatada ay wadaan maleeshiyaadka Shabaab iyo Xisbiga, waxa uun Madaxweynuhu sheegay in cadowga ummada Soomaaliyeed uu marba shaar soo gashado haatana uu wato mid diimeed. DHEGEYSO.

Madaxweeyne Shariif oo ka qeybgalay Xaflad lagu maamuusayay Ciidul fidriga oo ka dhacday madaxtooyada ayaa uga tacsiyeeyay Shacabka Soomaaliyeed falkii shalay ay kooxaha argagixisada ah ku weerareen Garooka diyaaradaha iyo kuwii ka horeeyay ee lagu xasuuqay Umadda Soomaaliyeed.

Wuxuuna sheegay in falkaasi uu yahay mid ay ka muuqato fulaynimo iyo Tabar darri soo wajahday kooxaha Iclaamiyay dagaalka ka dhanka ah Shacabka soomaaliyeed iyo dowladdooda.

Madaxweynuhu wuxuu shacabka ugu baaqay in ay Alle u noqdaan oo ay ka towbad keenaan dambigii horay loo galay oo uu sheegay in ay Soomaaliduwajaheyso Abaalmarintiisa.

Madaxweyne Shariif ayaa Xafladan ka hor Salaada Ciidul Fitriga boqolaal Muslimiin ah ku tushiyay Masjidka Madaxtooyada Qaranka, waxa uuna halkaasi ka jeediyay khudbad diini ah oo ku saabsan munaasabada Ciidul Fitriiga, waxa uuna tilmaamay in ciidan ay tahay mid cadowga ummada Soomaaliyeed uu shacabka u diiday in ay farxad ku ciidaan, isagoo ugu  duceeyay shacabka Soomaaliyeed in dhibaatada uu Allah ka dulqaado

COMMENTS