October 7, 2021 | Posted by admin

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa shir guddoomiyay shirka Golaha Wasiirada Galmudug oo caawa ka dhacay Xarunta Madaxtooyada DGM.

Kulanka ayaa diirrada lagu saaray qodobo ay ka mid ahaayeen
• Xaaladda guud ee Amniga Galmudug
• Arrimaha Doorashooyinka

Dood iyo falanqayn dheer kadib Golaha wasiiradu waxay soo saareen qodobada soo socda.

  1. Golahu wuxuu go’aamiyay in la dardargeliyo Suggida Amniga iyo xasiloonida Galmudug,
  2. Golahu wuxuu ugu baaqay kooxaha ku howlan falalka amni daro inay ka waantoobaan, damacoodana ay ku doonaan si nabad ah.
  3. Golahu wuxuu soo saaray in la dardargeliyo howlaha doorashooyinka ayadoo loo gudbiyay dhinacyada ay khuseyso in ay gutaan waajibaadkooda.
COMMENTS