July 27, 2020 | Posted by admin

Madaxweynaha Galmudug Ahmed Cabdi kaariye “Qoor-qoor” ayaa Safarkiisii ugu Horeeyey Muddo Lix bilood ah oo uu Xilka Galmudug haayay maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Safarka Madaxweyne Qoor qoor ayaa imaanaya iyadoo Maalin ka hor la riday xukuumada dalka,waxaana safarkiisa la sheegayaa in uu  la xiriiro la tashiyo uu la qaadan doono madaxda Qaranka

Safarka Qoor qoor ayaa ku soo aaday xilli Maalin ka Hor Kalsoonidii lagala laabtay Ra’isul wasaare Xasan Cali Khayre, waxaana la aamisanyahay in uu kulan la qaadan doono Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

COMMENTS