September 22, 2020 | Posted by admin

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta hoyga uu ka degan yahay Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ka mid ahaan jiray golihiisa Wasiirada.

Kulankaan ayaa looga hadlaayay xaaladda Siyaasadeed ee dalka gaar ahaan Arrimaha doorashooyinka.

“Waxaan xalay kulan miro dhal ah la qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Ahmed Abdi Kaarie Waxaan ka wada hadalnay arrimaha doorashada & kaalinta Galmudug, sidoo kale waxaan isla eegnay howlaha u qabsoomay Galmudugta loo dhan yahay iyo waxyaabaha horyaalla maamulkiisa” ayuu yiri Kheyre.

Kulankaan ayaa looga hadlaayay xaaladda Siyaasadeed ee dalka gaar ahaan Arrimaha doorashooyinka.

COMMENTS