June 19, 2020 | Posted by admin

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa markii u horeysay xiriir toos ah oo dhanka taleefanka la sameeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, tan iyo markii la isku khilaafay doorashadii bishii Agosto ee sanadkii hore oo dib loogu doortay Axmed Madoobe, taasoo ay dowladda Federaalka qaadacday.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa u xaqiijiyay dhanka taleefanka in Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Jubbaland uu xiriirkooda dhanka taleefanka uu ahaa sallaan, is xogwareyso, isu garaabid iyo in wixii mad-madow ee ka dhex jiray meesha laga saaro, isla markaana la isu yimaado.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si weyn uga soo horjeeday dib u doorashadii Axmed Madoobe, waxaana ay dagaal siyaasadeed iyo mid ciidan u gashay cadaadiska ay saartay Maamulka Axmed Madoobe, iyadoo ku soo rogtay xayiraad dhanka diyaaradaha ka dega Kismaayo, xayiraad dhaqaale iyo Ciidamo loo diray Gobolka Gedo, iyadoo meesha ka saartay Maamuladii degmooyinka Gedo ee hoos-tagayay Maamulka Axmed Madoobe.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhowaan aqoonsaday Madaxweynaha Jubbaland, waxaana aqoonsigaas ahaa mid labo sano ah, hase ahaate war saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in aanu aheyn aqoonsigaas mid sharciyad ku dhisan oo waafaqsan dastuurka Jubbaland iyo kan dowladda Federaalka.

Muddooyinkii u dambeeyay Madaxweyne Farmaajo ayaa wajahayay cadaadis uga imaanayay Beesha Caalamka oo ahaa inuu la heshiiyo Maamul goboleedyada, lana abuuro jawi is faham ah oo ay ku kulmaan dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, si loo gaaro wada hadal dhab ah iyo dib u heshiisiin.

Waxaa la filayaa in dhowaan kulan isugu yimaadaan Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, si looga wada tashado hannaanka doorashada oo khilaaf uu ka jiro, iyadoo maamul goboleedyada dalbanayaan in kulankaas uu dhaco ka hor 27-ka bishan oo ah xilliga Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ay khudbad u jeedin doonto Golaha Shacabka.

COMMENTS